5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 22, 2024
Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay nin gowracay wiil uu Adeer u ahaa
 

Isniin, January, 22, 2024 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen degmada Xamar jajab kusoo qabtay nin la sheegay inuu gowracay wiil yar uu Adeer u ahaa.

Ninkaan ku eedeysan inuu gowracay wiilka yar oo da'diisa lagu sheegay 8 sano ayaa Booliiska Soomaaliya waxa uu sheegay iney ku hayaan baaritaan dheeraad ah, islamarkaana la hor keeni doono Cadaaladda.

Dhacdada uu ninkaan ku gowracay wiilka yar ayaa ka dhacday Axadii lasoo dhaafay xaafad ka tirsan degmada Xamar jajab, hayeshee lama oga wali sababta rasmiga ah ee keentay inuu ninkaan gowraco wiilka uu Adeerka u ahaa.

“Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada xmar-Jajab ayaa galabta qabtay nin gowracay Wiil  uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir.

Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah gobolada dalka waxaa mararka qaar ka dhaca dhacdooyin noocaan oo kale ah, waxaana dhacdadaan maalmahii lasoo dhaafay si weyn looga hadal haayay degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.