5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 22, 2024
2 Askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanka oo lagu waayay xeebaha Soomaaliya oo geeridooda la xaqiijiyay
 

Isniin, January, 22, 2024 (HOL) - Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in labo askari oo ka tirsan ciidamada Navy SEAL oo horaantii bishan lagu waayay xeebaha Soomaaliya aan la helin, waxaana hadda loo maleynayaa inay dhinteen.

Labada askari ayaa la sheegay in la waayay kadib weerar habeenimo ah oo lagu qaaday markab Iran laga leeyahay, 11-kii Jannaayo.

Intii uu hawlgalka socday, hal askari oo katirsan ciidanka badda Maraykanka ayaa ku dhacay biyaha badda, mid labaad ayaa raacay isagoo isku dayayay inuu soo badbaadiyo.

Ka dib 10 maalmood oo baadi goob ah oo laga sameeyay in ka badan 21,000 oo mayl oo laba jibaaran, kaasoo ay gacan ka heleen  maraakiibta Spain iyo Japan, ayaa la xaqiijiyay inay labadaas askari ay geeriyoodeen.

"Waan ka baroor-diiqaynaa khasaaraha naga soo gaaray labadayada dagaalyahan ee ka tirsan ciidamada badda ee gaarka ah, waxaan xushmeyn doonnaa naf-hurnimadooda. Ducadayadu waxay la garab taagan tahay qoysaska labada askari, "ayuu yiri Gen. Michael Erik Kurilla, oo madax ka ah Taliska Dhexe ee ciidanka Maraykanka.

Saraakiishu waxay sheegeen in aysan hadda soo saarayn xog dheeri ah oo ku saabsan labada marxuumka iyagoo ixtiraamaya qoysaskooda.