5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 21, 2024
Madaxweynaha Masar oo sheegay in uusan indhaha ka fiirsan doonin xadgudubka Itoobiya ku hayso Soomaaliya
 

Axad, January, 21, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta qasriga madaxtooyada dalka Masar kulan kula qaatay dhigiisa madaxweynaha dalkaas Abdelfatah Al Sisi.

Kulanka oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa labada madaxweyne waxay kaga wada hadleen arrimo la xariira amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee Badda Cas, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo xoojinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya labada dal iyo shacabka walaalaha ah.

Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Masar ayaa kulanka kadib si wadajir ah u qabtay shir saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro dhalka wada hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan gobolka.

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara. Wadahadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed" ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay iney ka kaashato xulafada, bahwadaagta iyo saaxiibbada caalamka sidii looga hortagi lahaa caqabad kasta oo ka dhan ah madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay dowladda Masar mowqifka walaalnimada ah  ay ka istaageen damaca xukuumadda Addis-ababa ee la xiriira badda Soomaaliya ayaa soo bandhigay ahmiyadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Badda Cas, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay saami weyn ku leedahay Baddan, taas oo aysan u aqbalayn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in dal kale ay kusoo xadgudbaan taako ka mid ah" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Masar Abdelfatah Al Sisi ayaa dhankiisa tilmaamay saamaynta amni, dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad gudubka dowladda Itobiya ee ka dhanka ah midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Siisi ayaa sidoo kale xusay ineysan indhaha ka fiirsan doonin xadgudubka Itobiya, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo qaan wadaag ah, kuna mideysan daladaha Carbeed iyo kuwa Afrika.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalhood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno” ayaa lagu yiri qoraal ay shaacisay Villa Soomaaliya.