5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 21, 2024
Laamaha amniga gobolka Bari Boosaaso oo ka hadlay qaraxyada kusoo badanaya magaalada Boosaaso

Axad, January, 21, 2024 (HOL) - Laamaha amniga Puntland ee gobolka Bari oo ay wehliyaan masuuliyiin kale, ayaa maanta wax iska weydiiyay amniga magaalada Boosaaso oo waayahaan dambe ay kusoo badanayaan qaraxyada lagu weerarayo xarumaha ganacsiga.

Shir ay maanta isugu yimaadeen mas'uuliyiintaan ayay ku sheegeen in la qaadayo howlgal ballaaran oo lagusoo afjarayo waxay ugu yeereen kooxaha argigixisada ee falalka nabad galyo darrada ka wada Boosaaso.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Bari, Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa sheegay in hay’adaha amnigu ay bixin doonaan dadaal dheeraad ah si wax looga qabto kooxaha beegsiga ku haya xarumaha magaalada Boosaso, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in shacabku xogta lasoo wagaan laamaha amniga.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto cid illaa iyo hadda cid loosoo qabtay dadkii horey uga dambeeyay khasaarihii nafeed iyo midkii hantiyeed ee loo geystay xarumihii ganacsi ee lagu gubay magaalada Boosaaso.

Ganacsatada Boosaso ayaa wajahaya cabsi weyn oo kaga imaanaysa lacago baad ah oo hay’adaha amnigu ay shegeen in kooxaha Shabaab iyo Daacish ay doonayaan inay ka qaataan ganacsatada Boosaso.

Madaxweyne Deni oo dhawaan dib loo doortay ayaa la filayaa inuu dhawaan isbeddel ku sameeyo laamaha amniga gobolka Bari.

Siciid Deni wuxuu dhawaan magacaabay taliyaha ciidanka la dagaalanka arigixisada ee aagga buuraleyda Galis, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidanka Daraawiishta Puntland.