5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 21, 2024
Soomaaliya iyo Masar oo maanta lagu wado inay kala saxiixdeen heshiis dhinaca militariga ah
 

Axad, January, 21, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo xaaladda Gobolka.

Afhayeenka madaxtooyada Masar ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay labada hoggaamiye ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xaaladda gobolka.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Soomaaliya iyo Masar ay labaduba ay kala saxiixanayaan heshiis dhinaca milateriga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi, ayaa la filayaa inay maanta kasoo wada muuqdaan war murtiyeed ay jeedinayaan kulankooda kadib.

Wafuuda madaxweyne Xasan Sheikh waxaa kamid ah  mas’uuliyiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga.

Dowladda Masar ayaa kamid ah waddamada ka hor yimid heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo sheegtay inay garab taagan tahay ilaalinta madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Masar iyo Itoobiya ayaa isku khilaafay isticmaalka wabiga Niil oo muddo haatan laga joogo.