5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 21, 2024
Ciidanka dowladda oo howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Baay
 

Axad, January, 21, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay tuulooyin hoostaga deegaanka Goof gaduud buureey ee gobolka Baay.

Howlgalka ayaa ciidamada xoogiisa waxay ka fuliyeen deegaanada kala ah Misgaale, Warta Kormar’ Duurow ‘Mintaanka, Qurunlow Asharaaf’ Gololow’ Goof Golol iyo Hareera Jiif, kuwaas dhinaca Bari iyo Koonfur Galbeed ka kala xiga deegaanka Goof gaduud Buurey ee gobalka Baay.

Deegaanada laga fuliyay howlgalada ayaa la sheegay in Al-shabaab ay ku lahayeen maktab ay ku diiwaan galiyaan xubnaha cusub ee doonaya kooxda iyo goobo ay lacago uga  qaadaan jireen dadka shacabka ah ee Isticmaala wadooyinka gala gobolada Baay iyo Bokool.

Taliyaha Ururka 47-aad guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka Dhulka X/le Ahmed Maxamed Nuur oo loo yaqaano Ahmed Dhagey ayaa hoggaaminaayay ciidanka howlgalada ka sameeyay deegaanada hoostaga Goof gaduud Buureey, hayeshee lama soo qarin khasaaraha ka dhashay howlgaladaas.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa maalmahii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan Al-shabaab ka waday deegaano ka tirstan gobolada Baay iyo Bakool.