5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 21, 2024
Ukraine oo soo bandhigtay nin Soomaali ah oo ka barbar dagaalamayay ciidamada Ruushka
 

Axad, January, 21, 2024 (HOL) - Dowladda Ukraine ayaa soo bandhigtay Caadil Cabdillaahi Maxamed oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo 28 jir ah, kaasoo ka tegay Muqdisho, laguna qabtay dagaalka  Ukraine.

Ninkaan oo bixiyay wareysi kooban ayaa la  sheegay inuu ka barbar dagaalamayey ciidamada Ruushka ee dagaalka kula jira Ukraine. Ukraine waxay horey u sheegtay inuu kamid ahaa calooshood u shaqeystayaal uu soo kiraystay dalka Ruushka.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay inuu Ruushka u tagay si uu u helo shaqo milatari.

Wuxuu sheegay in loo ballanqaaday baasaboorka waddanka Ruushka iyo lacag ku dhow labo kun oo dollar.

Wuxuu sheegay in la qabtay todobadii January.

Ukraine ayaa sheegtay in ninkan Soomaaliga ah uu kamid ahaa 4 qof oo lagu qabtay dagaalka dalkeeda ka socda.

Waxay sheegtay in Ruushku uu soo kiraystay boqolaal askari oo calooshood u shaqeystayaal ah, si ay ula dagaalamaan ciidamada Ukraine.

Ma jirto macluumaad rasmi ah oo ka madax bannaan Ukraine oo xaqiijin kara in ninkan uu u dagaalamayay Ruushka.

Warar ayaa sheegaya inay jiraan  dad muhaajiriin ah oo xoog lagu galiyay dagaalka ka socda Ukarine.