5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2024
Shil diyaaradeed khasaare geystay oo ka dhacay degmada Ceelbarde

Khamiis, January, 18, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in barqanimadii maanta shil ay ku gashay garoonka diyaaradaha Ceelbarde diyaarad nooca Xamuulka qaado ah.

Diyaarada shilka gashay ayaa la sheegay iney u rarneyd hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada adduunka ee WFP, waxaana diyaaradu ay siday gargaar loogu talo galay dadka degmadaas oo ay ka qaaday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shilka diyaarada ayaa wararka hordhaca ah ay sheegayaan inuu yimid kadib markii diyaarada ay ku timid cillad ayna u bixi weyeen lugaha xiligii ay dageysay, islamarkaana ay ku dhacday dhismo u dhaw garoonka.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha degmada Ceelbarde Cabdifitaax Keydsane ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarada ku dhacday meel ka baxsan garoonka, islamarkaana uu ku dhintay shilkaasi hal qof oo ka mid ahaa dadkii diyaarada la socday.

Wararka waxay intaas ku darayaan in qofka ku dhintay shilka diyaarada inuu yahay duuliyihii diyaarada, waxaana diyaarada shilka gashay la socday afar qof oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda WFP, kuwaas oo shilka ka bad baaday.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan shilka diyaaradeed ee maanta ka dhacay garoonka degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.