4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 7 , 2024
Abwaan Nageeye Khaliif oo caddeeyay inuu si rasmi ah ugu biiray Alshabaab
 

Arbaco, February, 7, 2024 (HOL) - Abwaan Nageeya Cali Khaliif oo muddo saddex bilood ah la weysanaa, ayaa markii ugu horraysay caawa kasoo muuqday warbaahinta Alfurqaan ee ay leeyihiin kooxda Alshabaab.

Wareysi lala yeeshay oo muddo hal saac ah soconayay, ayuu ku sheegay inuu si rasmi ah ugu biiray kooxda Alshabaab, isagoo caddeeyay inuu muddo dheer niyada ku hayay oo ku qancay afkaaraha kooxda Alshabaab.

Abwaan Nageeye Cali Khaliif, waxa uu sheegay in kooxda Alshabaab uu afkaarkooda aaminsanaa tan iyo sannadkii 2017-dii oo ahayd markii uu kasoo wareegay Somaliland ee uu yimid magaalada Muqdisho.

Wareysiga waxa uu ku sheegay, inta uusan ku biirin Alshabab, inuu ahaa mid la dhacsan hannaanka ay kooxdu ku shaqeyso.

Waxa uu si cad u taageeray dagaallada ay Alshabaab kula jirto dowladda Soomaaliya iyo xulafooda caalamiga ah.

Wuxuu weerar afka ah ku qaaday masuuliyiinta Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay kuwa u shaqeeya danaha reer Galbeedka. Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in Alshabaab ay qabsan doonto guud ahaan Soomaaliya.

Nageeya ayaa kamid ah barayaasha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, isagoo madax ka ahaa qeybta culuumta saxaafadda.  

Waxaa uu ahaa Abwaan caan ku ahaa gabayada marxaladaha taagan. Isagoo tiriyay gabayo ay ka dhex muuqatay afkaartiisa Alshabaabnimo.