4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 3 , 2024
Gacan yarihii hoggaamiyaha kooxda Al-shabaab oo Muqdisho lagu qabtay
 

Sabti, February, 3, 2024 (HOL) - Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa kusoo bandhigay magaalada Muqdisho horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Horjoogaha NISA ay soo bandhigtay ayaa magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud oo loo yaqaano Muxiyadiin Daqare, kaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa gacan yarayaasha hogaamiyaha Ururka Al-shabaab Axmed Diiriye.

"Horjoogahan oo si wayn loogu raadjoogay ayaa lagu qabtay Muqdisho xili uu si dhuumaalaysi ah ku soo galay. Horjooge Muxudiin Daqare ayaa ka soo howlgalay gobalada, Bay, Galgaduud, Mudug iyo Shabeellaha Hoose"ayaa lagu yiri war kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Sarkaalkaan ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa ka la tilmaamay inuu ka howlgali jiray gobolada kala ah Galgaduud, Mudug, Baay iyo Shabeellaha Hoose.

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in faahfaahin intaa ka badan oo la xariirta qabashada iyo xogta horjoogahaan dib laga soo shaacin doono.

Ciidamada NISA ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, waxaana mudooyinkii dambe soo kordhaayay saraakiisha iyo xubnaha ka tirsan Shabaab ee isku soo dhiibayay.