4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2024
Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay dilal argagax leh oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Qoryooleey
 

Sabti, February, 3, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw shaaca ka qaaday iney wadaan baaritaano lagu baadi goobayo ninkii dhawaan Xaaskiisa oo xaamilo aheyd ku gubay magaalada Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay Muqdisho iyo gobolada dalka ka wadaan howlgalo lagu baadi goobayo Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ah ninka dhawaan nolosha ku gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis.

”Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda caasimada iyo gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday, qofkii helaa xogtiisa, waxaa ka codsaneynaa inuu la wadaago barta ciidanka ammaanka ee ugu dhow, lambarka gaaban ee 991 ama baraha bulshada. Howgalo lagu baadi goobaya ayaa socda waxaan rajeynaynaa in dhawaan gacanta lagu soo dhigo si’uu cadaalad u maro” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxa Booliiska.

Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo qaban doonaan ninka dilaaga ah, iyagoona ka codsaday shacabka Soomaaliyeed hadii ay helaan xogta ninka dilaaga ah iney si deg deg ah ula soo wadaagaan Booliiska.

Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka amaanka degmada Qoryooley ay gacanta kusoo dhigeen eedeysane lagu magacaabo Saleemaan Xaaji Cabdi oo ku eedeysan inuu dilay Xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Fowsiyo Muxsin Maxamed oo u dhashay 4 carruur ah.

Warkaan kasoo baxay Booliiska ayaa kusoo beegmaya, iyadoo si weyn shacabka reer Muqdisho iyo Qoryooleey u hadal haayaan dilalka aragagaxa leh oo ay labadaan nin ugu kala geysteen Xaasaskoodii oo midna uu gubay midna uu Tooreey ku dilay.