4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 3 , 2024
Midowga Afrika oo hoosta ka xarriiqay inay soo gabagabeyn doonaan dhimista ciidamada ATMIS sanadka 2024
 

Sabti, February, 3, 2024 (HOL) - Wafdiga Midowga Afrika ayaa soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo shan maalmood qaadatay oo ay ku joogeen Soomaaliya, iyagoo dib u xaqiijiyay in Midowga Afrika ay ka go'an tahay dhameystirka xilliga kala guurka ee ammaanka dalka dhammaadka 2024-ka.

Wafdiga uu hogaaminayay, Alhaji Sarjoh Bah, oo ah agaasimaha maaraynta khilaafaadka ee Waaxda Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Guddiga Midowga Afrika, ayaa sheegay in Midowga Afrika uu xaqiijin doono in Soomaaliya aysan ka jiri doonin wax faaruq ah oo dhanka ammaanka ah, iyadoo loo diyaar garoobayo wajiga saddexaad ee dhimista 4,000 oo askari oo kale Ilaa bisha  Juun ee sanadkan.

Ujeeddada hawlgelinta kooxda Midowga Afrika ayaa ahayd in ay qeexaan qaababka mas'uuliyadda amniga looga wareejinayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo loogu wareejinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Wafdiga Midowga Afrika ayaa sidoo kale la kulmay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, saaxiibo caalami ah, safiirro ka socday dalalka ATMIS ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah.

Wafdiga ayaa warbixin u gudbin doona golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Warbixintooda waxay qeexi doontaa halbeegyada qaabeynta howlgalka ATMIS ee Janaayo 2025.