4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 3 , 2024
Dagaal jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Mudug
 

Sabti, February, 3, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay aroornimadii hore ku dhexmaray deegaanka Shabeellow ee gobolka Mudug ciidamada dowladda iyo kuwa Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Shabaab ay weerar xoogan oo qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin Shabeellow.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarka Al-shabaab ay ka hortageen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda, islamarkaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda.

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 21 ka mid ah xubnahii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday deegaanka Shabeellow.

"Ciidaa Xogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyada xaq-udirka deegaanka ayaa ka hortegay qorshihii maleeshiyaadka naf la caariga ah, waxaana dagaalka looga dilay in ka badan 21 maleeshiyaad ah, waxaana laga gubay 4 gaari oo mid ka mid ah uu yahay gaari Biijii ah" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda

Deegaanada dhaca Koonfurta gobolka Mudug waxaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka socday howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolkaas, waxaana howlgalaasi kooxda looga xureeyay deegaano badan oo ay horay uga talin jireen kooxda.