4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 29, 2024
Maxkamadda ciidamada Puntland oo xukun dil ah ku riday lix nin oo ajaaniib ah
 

Khamiis, February, 29, 2024 (HOL) - Maxkamadda dadajada koowaad ee ciidamada Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday 6 nin oo u dhashay dalka Marooko, kuwaas oo ay Maxkamaddu sheegtay iney ka mid ahayeen kooxda Daacish.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ragaan ay dalkoodii ugu yimaadeen iney dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana Maxkamadu ay tilmaamtay in ragaan laga soo qabtay goobaha ay Daacishtu ka dagaalanto, gaar ahaan buuraha Cal miskaat.

Guddoomiye ku xigeenka maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada Puntland Korneyl Cali Ibraahim Cusaman ayaa sheegay in ragaan dhalashadoodu tahay Marooko ee xukunka toogashada ah lagu riday iney qirteen ka mid ahaanshaha Daacish.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa Sidoo kale sheegay iney Maxkamadda xukuno xabsi oo sanooyin ah ku riday nin Soomaali ah iyo nin kale oo u dhashey dalka Itoobiya.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Puntland xukuno dil toogasho ah ku rido ajaaniib ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta dhulka buuraleyda ah ee Cal miskaat iyo Galgala ee Puntland.