4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 29, 2024
Xildhibaan Fowsiya Yuusuf oo ku dhawaaqday iney tahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha Uruka Midowga Afrika
 

Khamiis, February, 29, 2024 (HOL) - Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay iney tahay musharax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika.

Marwo Fowsiya Yuusuf oo shir jaraa'id maanta ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in diyaar u tahay iney u tartanto xilka guddoomiyaha Midowga Afrika oo doorashadiisa la qaban doono 25-ka bisha Febaraayo ee sanadka soo soocda 2025.

Waxay sheegtay in qabashada xilkaan ay u tahay iyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed faa'ido weyn, islamarkaana Soomaaliya ay u qalanto haatan iney qabato xilalka sare.

“Soomaaliya waxay isku dayday inay jagadan hesho 1970-meeyadii, laakiin kuma aysan guuleysan, weligeedna ma qaban, balse markaan waxaa guddoonka leh bariga, waxaana ka sharaxan annaga iyo Kenya, waxaana la jooga xiligii an qaban laheyn jagooyinka noocaan oo kale ah" ayay tiri Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ka dalbatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iney dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii xilkaas ay u hanan laheyd.