4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2024
Raysal wasaare Xamse "Soomaaliya waxa ka go'an iney nabad kula noolaato dariskeeda oo aysan qaadan wax xadgudub ah"
 

Arbaco, February, 28, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Munaasabadda Mabaadi’da Nabadda ee Soomaaliya oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda, marti sharaf  iyo dadweyne kale.

Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn ku dheeraaday muhiimada ay leedahay Nabadda, isagoona tilmaamay in haatan Soomaaliya ay mareyso meel wanaagsan, islamarkaana ay diyaar u tahay iney nabad kula noolaato Caalamka iyo waliba dalalka dariska la ah.

Raysal wasaaraha oo khudbadiisa dhinacyo badan taabaneysay ayaa sheegay ineysan marnaba socon doonin damaca guracan ee dowladda Itoobiya ku dooneyso qeyb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya.

“Waxaan maraynaa in dowladda aan dariska nahay ee Itoobiya ay ku riyootay Soomaaliya xoog ama xeelad ayaan ku qabsanaa, Soomaaliya waxay haysaa wadada nabadda ee wanaagsan, Soomaaliya meel fiican ayay maraysaa, caqabadana way jiraan, waxa ka socda hareeraheenna waan ognahay, waxaana mar walba diyaar u nahay inaan ku dadaalno nabada Caalamka iyo dariska intaba” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee haatan ka socda gudaha dalka iney qeyb ka yihiin raadinta nabadda, wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada ka barbar dagaalameysa Al-shabaab iney kusoo laabtaan wadada saxda ah oo ay ka tanaasulaan fikirka qaldan ee kooxdu ku shubtay.

Ugu dambeyntii Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in Soomaaliya ay ka go'an tahay iney nabad kula noolaato dariskeeda, islamarkaana sidoo kale aysan aqbali doonin Soomaaliya in lagu soo xadgudbo Midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.