4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2024
Xasan Sheikh: Abiy Axmed, habeen kahor heshiiska ayuu isoo wacay wuxuu kaliya ii sheegay in Muuse Biixi tagayo Addis Ababa
 

Arbaco, February, 28, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu la soo hadlay habeen ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska Ethiopia iyo Somaliland ee dhinaca badda.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay, in raysal wasaaraha Ethiopia uu ku wargaliyay kaliya in hoggaamiyaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi uu tagayo Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa arrin waali ah ku tilmaamay in Ethiopia ay ku adkaysato inay sii wado heshiiska sharci darrada ah ee ay ku doonayso inay ku qaadato qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay xaq u leedahay in ay iska difaacdo Ethiopia si kasta oo ay awoodo.” Ayuu yiri madaxweynuhu.

Xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, ayay khubaradu ka digayaan, inay gobolka gelin karto fowdo.

Xidhiidhka labada dal ayaa sii xumaaday badhtamihii bishii January ka dib markii ay Soomaaliya hawadeeda ka celisay diyaaradda Ethiopian Airline oo ay la socdeen masuuliyiin ka socday dalka Itoobiya oo ku wajahnaa Somaliland.

Soomaaliya ayaa todobaadkii hore ansixisay heshiis toban sano socon doona oo ay la gashay Turkiga kaas oo ku saabsan in laga ilaaliyo xeebaha Soomaaliya masaafada in ka badan 2,000 oo mayl.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in heshiiskan uu ka horreeyay xiisadda kala dhexeysa Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, dadka indha indheeya arrimahan ayaa sheegaya in ay Soomaaliya u hamuun qabto inay hesho saaxiib adag oo ka caawiya sidii ay uga hortegi lahayd gardarrada Itoobiya.