4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2024
Madaxweyne Deni oo lagu wado inuu soo magacaabo golihiisa wasiiradda
 

Arbaco, February, 28, 2024 (HOL) - Madaxweyne Deni ayaa maanta illaa caawa laga sugayaa inuu ku dhawaaqo liiska golihiisa wasiirrada, ka dib muddo ka badan bil oo ay kasoo wareegatay markii dib loogu doortay xilka madaxweynaha Puntland ee 2024-2029.

Baarlamaanka Puntland ayaa muddo bil ah siiyay madaxweyne Deni inuu kusoo dhiso xukuumaddiisa cusub. Muddadii loo qabtay ayaa dhamaatay, lamana sheegin inuu mar kale baarlamaanka ka codsaday inay u kordhiyaan.

Warar aan ka helayno madaxtooyada, ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu dib usoo celin doono qaar badan oo kamid ah wasiirradiisii hore, sidoo kalena wuxuu liiska kusoo dari doonaa siyaasiyiin xilalka wasiirro ah kasoo qabtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, tirada wasiirrada uu soo magacaabi doono ayaa ka badnaan doonta tiradii hore, isagoo soo kordhin doona wasaarado cusub, halka kuwa kalena uu kala madax bannaanayn doono sida aan xogta ku helnay.

Deni oo labadiisa sano ee ugu dambeysay damacyadiisa siyaasadeed ee doorashooyinka iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka, ay ragaadiyeen horusocodka Puntland, ayaa hadda isha lagu hayaa isbeddelka uu la yimaado, iyadoo ay usii dheer tahay tabashooyinka ka dhashay hannaankii lagu doortay oo ay weli ay siyaasiyiin la tartamay iyo madax dhaqameedka ku tilmaameen boob.