4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 28, 2024
Itoobiya oo heshiis iskaashiga dhinaca difaaca ah la saxiixatay dalka Uganda
 

Arbaco, February, 28, 2024 (HOL) - Dowladaha Itoobiya iyo Uganda ayaa wada galay heshiis is afgarad ah oo  looga gol leeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhinaca milatari ee u dhexeeya labada dal, sida uu sheegay madaxa ciidanka difaaca Itoobiya (ENDF).

Heshiiskan ayaa daba socda booqasho wafdi ka socda ciidamada Uganda ay dhawaan ku tageen magaalada Addis_Abeba oo ay kulamo la yeesheen saraakiisha difaaca Itoobiya.

Wafdiga booqday ayaa ka koobnaa Wasiirka Difaaca Uganda, Vincent Bamulangaki Ssempijja, iyo Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, General Wilson Mbasu Mbadi. Waxaana halkaas ku qaabilay Wasiirka Difaaca Itoobiya Abraham Belay iyo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Itoobiya, General Abebaw Taddese.

Wasiirrada gaashaandhigga ayaa si rasmi ah u ansixiyay heshiiska is afgaradka ah, halka taliyayaasha ciidamada labada dal ay ayideen qorshaha lagu dhaqan gelinayo heshiiska dhinacyada iskaashiga milatariga.

Wasiir Abraham waxa uu sheegay in heshiisku uu sii xoojin doono xidhiidhka labada dal. Dhigiisa Uganda, Wasiir Ssempijja, ayaa muujiyay sida ay Uganda uga go'an tahay fulinta qodobbada lagu heshiiyay.

Iskaashiga militari ayaa yimi, maalmo kaddib markii Soomaaliya ay heshiis dhanka difaaca ah la saxiixatay dalka Turkiga, heshiiskaas oo qeexaya in Turkigu muddo 10 sano ah uu ilaaliyo xeebaha Soomaaliya, si uu uga hortago wax kaste oo khatar ku ah biyaha Soomaaliya.