4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2024
Howlgal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Mudug
 

Isniin, February, 26, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta howlgal qorshaysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Baraag Cali gaduud oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, kuwaas oo isku aruuraanaayay dhulka howdka ah ee deegaanka Baraag Cali gaduud.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegeen in howlgalka lagu guuleystay, islamarkaana uu u dhacay sidii loogu talo galay.

Waxaa sidoo kale saraakiisha ciidanka ay sheegeen in howlgalaka ay ku soo furteen hub iyo saanad ciidan oo ay wateen xubnaha Shabaab ka tirsan ee howlgalka lagu dilay.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada mudo dheer deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug.