4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2024
Maxkamadda gobolka Banaadir oo soo gabagabaysay dhegaysigii 2aad kiiska eedesanaha loo haysto inuu xaaskiisa gubay
 

Isniin, February, 26, 2024 (HOL) - Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu xaaskiisa nolasha ku gubay, ayaa maanta markii labaad maxkamadda gobolka Banaadir kasoo muuqday, si uu u wajaho eedeymaha loo haysto.

Maxkamadda ayaa la horkeenay 4 marqaati, kuwaas oo 3 kamid ah ay ahaayeen goob joogayaal ku sugnaa meel aan ka fogayn guriga uu falku ka dhacay, waxaana maxkamadda la wadaageen wixii ay goob joogga u ahaayeen.

Marqaatiyayaasha ayaa bixiyay tilmaamo muujinayay in sayid Cali Macalin Daa’uud uu falkaan geystay, inkastoo eedeysanaha iyo qareenka u doodaya ay arrintaasi diideen.

Sayid Cali oo ay maxkamaddu siisay fursad uu isku difaaco, ayaa sheegay habeenkii uu falku dhacayay in xaaskiisa ay isku dhaceen, ka dib markii ay ka dalbatay sida uu sheegay ‘furriin’.

Waxa uu sheegay markii xaaskiisu ay furriin ka dalbatay in uu bannaanka aaday oo uu soo gatay naafto, una sheegay xaaskiisa inuu gubayo alaabta guriga u taala. Waxa uu ku doodday in xaaskiisa aysan isaga gacantiisa ku guban, balse ay ku gubatay dabka uu qabad siiyay guriga.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda, Yaxye Maxamuud Saciid ayaa codsaday in dil toogasho ah lagu xukumo eedeysanaha, isagoo sheegay in ay caddahay inuu eedesanuhu geystay falkaan.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in maxkamaddu fadhi saddexaad ay ka yeelan doonto ka doodista kiiskaan, mana sheegin waqtiga ay noqon doonto.