4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2024
Uganda oo ku faantay inay kaalin weyn ku leedahay sugidda hawada Soomaaliya
 

Isniin, February, 26, 2024 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa ku faantay in ay sugeyso amniga hawada Soomaaliya oo ay sheegtay inay caqabad ku ahayeen weerarada Al-Shabaab ee garoomada diyaaradaha.

Brig Gen Anthony Mbuusi, taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya ayaa sheegay hadii uusan jiri lahayn dedaalka amni sugid ee ciidamada Uganda in garoonka diyaaaradaha ee Aadan Cadde uusan u kobceen sida uu maanta yahay.

Brig Gen Lukwago waxaa uu sheegay joogtaynta howlaha amni ee garoonka Aadan Cadde in ay keentay in madaarku sameeyo sanadkii in ka badan 8,533 duulimaad oo caalami ah, 18,166 duulimaad gudaha ah, iyo 1,686 duulimaad oo ah hawlgallada arrimaha gargaarka.

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ruug-cadaaga, Vincent Ssempijja oo booqasho isbarasho ah ugu yimid ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan, ayaa ammaanay askarta Uganda ee hadda ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).

Si kastaba ha ahaatee, labo sano ka hor, dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay ku jiraan US, China, France, Germany, UK ayaa sheegay in ciidamada Uganda iyo kuwa AMISOM ay ka soo baxeen ujeeddadii loogusoo diray Soomaaliya.

AMISOM ayaa loo bedelay ATMIS si ay sanado dheeraad ah ugu sii jiraan Soomaaliya, ka dibna  ay masuuliyaddooda ugu wareejin lahaayeen ciidamada amniga Soomaaliya.