4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2024
Somaliland: Laba qof oo ku naf waayay god macdanta laga qodo oo ku dumay
 

Isniin, February, 26, 2024 (HOL) - Laba nin oo macdan qodayaal ah ayaa geeriyooday kadib markii uu kusoo dumay god ay macdan ka qodayeen oo ku yaala gobolka Gabilay ee Somaliland.

Mid kamid ah raga macdanta ka qodayay godka dumay, oo MMTV u warramay, ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, waxaanu sheegay in si lama filaan ah uu godku usoo dumay.

"Labadaas ayaa gudaha ku jiray intayada kalena dibada ayaanu joognay, meeshii oo soo duntay oo isku baabaday uunbaanu aragnay, il-bidhisi ayay ahayd daymada aan daymoonay iyo gariirka meesha ka baxay" ayuu yidhi.

Nin kale oo kamid ah raga macdan qodayaasha, ayaa sheegay in labada nin ee dhintay uu mid gudaha hoose ku jiray, ka kalena uu meel soke taagnaa kadibna markii uu gabiga buurtuu dhaqaaqay uu isku dayay in uu ka kale bad baadiyo sidaana ay ku dhinteen labadooduba.

Xildhibaan Mursal Maxamed Jaamac oo kamid ah Golaha Deegaanka Ee Degmada Gabilay, ayaa MMTV u sheegay in lasoo saaray maydadka, isla markaana waxa loo qaaday magaalada Gabilay.

Waxa la sheegay in saddex dhacdo oo sidan oo kale ah, oo ay dad nafahooda ku waayeen ay deegaanadan ka dhaceen sannadihii lasoo dhaafay.