4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2024
Soomaaliya iyo Qatar oo magaalada Doxa ku kala saxiixday heshiis is afgarad oo muhiim ah
 

Isniin, February, 26, 2024 (HOL) - Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa halkaas heshiis muhiim ah kula saxiixday dhigiisa Wasiirka Cadaaladda dalka Qatar, ahna wasiiru dawlaha Arrimaha golaha wasiiradda dalka Qatar Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi.

Heshiiskaan oo ahaa heshiis is afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga ayay si wadajir ah u kala saxiixdeen wasiirada Cadaaladda ee dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Heshiiska ayaa la sheegay inuu yahay mid ka turjumaya danaha labada dal, kaasoo la xariira isweydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo qoraalada heshiisyada iyo  is afgaradka.

"Waxay labada dowladood iska kaashanayaan cilmi-baarista sharciga iyo garsoorka ee labada dawladood, barnaamijyada tababarrada sharci iyo garsoor, kor-u-qaadidda xirfadda & aqoonta sharciyaqaannada, qareennada iyo nootaayooyinka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya.

Wasiiradda Cadaaladda Soomaaliya iyo Qatar ayaa sidoo kale ka wada hadlay adkeynta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale iskaashiga Cadaaladda ee labada dal, dhameystirka Dastuurka Soomaaliya, dhismaha hay'addaha Cadaaladda.

Heshiiskaan is afgarad ee ay lala saxiixdeen Soomaaliya iyo Qatar ayaa qeyb ka noqonaya heshiisyo muhiim oo ay dowladda fedaraalka Soomaaliya la saxiixaneysay mudooyinkii dambe qaar ka mid ah dalalka Caalamka, waxaana ugu dambeeyay heshiiskii dhawaan dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga ee la xariiray dhinaca iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha.