4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2024
Maxkamadda gobolka Banaadir oo Maanta dib u bilaawday dhageysiga dacwada eedeysane Sayid Cali
 

Isniin, February, 26, 2024 (HOL) - Waxaa Maanta markale dib uga bilaawday Maxkamada gobolka Banaadir dhageysiga dacwada eedeysane Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ku eedeysan inuu dhawaan Muqdisho ku gubay xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxaa ku wada sugan ehelada gabadhii nolosha lagu gubay Luul Cabdicasiis oo xaamilo aheyd, kuwa eedeysanaha iyo dadweyne kale.

Xafiiska Xeer ilaalinta dowladda Fedaraalka oo dacwada kusoo oogtay Sayid Cali Macalin Daa’uud ayaa la filayaa in maanta caddeymo hor leh iyo marqaatiyaal kale ay hor keenaan Maxkamadda, sida lagu balamay fadhigii koowaad ee dhageysiga kiiskaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa horey u sheegay inaan la dooneyn in waqti badan uu qaadato kiiskaan maxkamadeynta Sayid cali Macalin Daa’uud, islamarkaana la doonayo in go'aan deg deg ah laga gaaro kiiskaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa Maxkamadeynta kiiskaan iyo go'aanka Maxkamaddu ka gaari doonto si weyn indhaha ugu wada haayo, maadama kiiskaan uu ahaa mid ay ka wada argagaxeen dadka Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan inaan wali la aasin meydka Luul Cabdicasiis oo uu ku jiro Firinjeer, kadib markii qoyskeeda ay sheegeen inaan la aasi doonin Luul Cabdicasiis ilaa ay cadaalad ka hesho.