4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2024
Soomaaliya oo ka fekeraysa in diyaaradaha caalamiga ee Hargeysa ka dega lagu qasbo inay Muqdisho soo maraan
 

Isniin, February, 26, 2024 (HOL) - Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya, xildhibaan Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa waxay uga digtay maamulka Somaliland isku daygiisa ku aaddan qalqal galinta amniga diyaaradaha ku goosha hawada Soomaaliya.

Wasiirka duulista ayaa sheegtay, sii socoshada isku dayga tallaabooyinkan, in ay keeni karaan in dowladda Soomaaliya ay ka fekerto in duulimaadyada caalamiga ah ee ka dega magaalada Hargeysa lagu qasbo inay mar hore soo maraan magaalada Muqdisho.

Wasiirka waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay haatan u guurtay  isgaarsiin cusub, taasoo meeshii ka saartay isgaarsiintii horey ay u wada isticmaali jireen Muqdisho iyo Hargeysa. waxay sheegtay in dhammaan diyaaradaha lagu amray oo ay haatan ku shaqeeyaan isgaarsiinta laga maamulo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Waxay sheegtay in maamulka Somaliland haddii ay cabasho qabaan ay kala hadlaan dowladda federaalka Soomaaliya, kunasoo laabtaan miiska wada hadalka, si looga heshiiyo wixii tabasho ah ee ay qabaan.

Wasiirku waxay caddaysay in dowladda Soomaaliya ay horey maamulka Somaliland ugu fasaxday duulimaadyada caalamiga ah ee ka dega Hargeysa.

Ugu dambayn, wasiirku waxay sheegtay in hawada Soomaaliya ay ku jirto gacan amni ah, iyadoo tilmaamtay in aanay jirin wax cabsi ah oo laga qabo in Somaliland ay carqadalayso habsami u socodka maamulka hawada dalka.