4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maxtooyada kulan kula qaatay wafdi ka socda dalka Ingiriiska
 

Axad, February, 25, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wafdi ka socday dalka Ingiriiska oo uu hoggaaminaayay Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga ee dalkaas James Stephen Heappey.

Madaxweyne Xasan sheekh iyo wafdiga wasiiru dowlaha Gaashaandhiga dalka Ingiriiska ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira la dagaalanka kooxda Al-shabaab iyo tayaynta ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo lagu wado in dhamaadka sanadkaan si buuxda ula wareegaan amniga guud ee dalka.

"Madaxweynaha ayaa uga mahadnaqay Boqortooyada Dowladda Ingiriiska doorka ay ka qaadato tababarida ciidamada Soomaaliyeed, xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso la wareegida mas’uuliyada amni ee dalka, kadib bixitaanka qeybaha ka harsan ciidamada ATMIS" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiir James Stephen ayaa dhankiisa  bogaadiyey horumarada muuqda oo ay si wadajir ah ugu talaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoona xusay iney ka go'an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaalanka kooxda Alshabaab ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo UK.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga taageera dowladda Soomaaliya dhinacyada horumarka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.