4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2024
Ciidamada Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka qeyb galaya dhoolatusyo ciidan oo dibadda ah
 

Axad, February, 25, 2024 (HOL) - Tobaneeyo askari oo katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa dalka Kenya u tagay sidii ay uga qeyb gali lahaayeen dhoolatus ciidan oo ay ka qeyb qaadan doonaan dalal badan oo Afrikaan ah.

Ciidamadan oo ka socda Kumaandooska Danab  ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee ka qeyb qaata dhoolatus ciidan oo dalka dibadiisa ah markii ugu horraysay muddo ka badan 30 sano ka dib.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxuyidiin ayaa ka codsaday askarta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadanaya dhoolatuska, in ay muujiyaan karti ay kaga dhex muuqdaan boqolaalka askari ee ka qeyb qaadanaya dhoolatuskaas.

Taliya ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inuu rajeynayo in ciidamadan matalaya Soomaaliya ay ammaan u soo hooyaan qaranka Soomaaliyeed.

Waa dhoolatuskii ugu weynaa ee ka dhacaya Bariga Afrika, kaas oo socon doona, February 26 – illaa March 7.

Dhoolatuskan oo ay ka qeyb galayaan 1000 askari oo ka socda 23 waddan, ayaa waxaa hogaaminaya taliska Ciidanka Maraykanka ee Koonfurta Yurub iyo Afrika, waxaana marti galisay dalka Kenya.

Dhoolatuska waxaa loogu talo galay in lagu dhiso diyaargarowga Ciidamada wadajirka ah ee loo igmaday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika , si ay u kordhiyaan iskaashiga caalamiga ah ee taageerada gargaarka bani'aadamnimada, wax ka qabashada musiibooyinka  iyo dhibaatooyinka kale.