4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2024
Madaxweyne Biixi: Eeda dilka Cabdinaasir Dahable Madaxweyne Xasan Sheekh ayay saarantahay
 

Axad, February, 25, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay aaska aqoonyahan Cabdinaasir Dahable, oo dhawaan Muqdisho lagu dilay, ayaa sheegay in eeda dilkiisu ay korka ka saarantahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in eeda dilka Dahable iyo xildhibaan kale oo Somaliland kasoo jeeday oo maydkiisa hotel Muqdisho ku yaala laga helay ay saarantahay dowlada Soomaaliya.

"Marxuunka maanta aynu aasayno Alle ha u naxariisto, ka kale ee la dilayna wadadii lagu dilay kan aynu aasayno uunbaa lagu dilay oo godobtiisu waa caddahay, labadana waxay saarantahay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo inta u talisa" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in geeridu ay xaqtahay isla markaana raga waligoodba la dili jiray, lakiin sababta ay geerida Dahable dareenka dadka usoo jiidatay ay tahay sida loo dilay oo foolxun.

Madaxweynaha ayaa madaxda dowlada Soomaaliya ka codsaday in ay faah faahin ka bixiyaan sababta kaliftay in nafta la dhaafiyo Dahable "Dilku maalinkasta wuu dhacaa, waana laga heshiiyaa, lakiin sida wax loogu dilay magaalo ilbax ah oo dowladi joogto jawaabteeda waa la sugayaa".

Waxa uu sheegay in anay jirin sabab loo dili karay madaama oo aanu siyaasi ahayn, isla markaana anay jirin sir gaar ah oo uu hayay, iyo cid uu aflagaadeeyay midna.

Booliiska Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in ay hayaan dad looga shakisanyahay dilka Dahable iyo xildhibaanka, isla markaana ay wadaan baadhis.