4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2024
Masar iyo Eritrea: Waa in laga hortago wax kaste oo khatar ku ah madax bannaanida Soomaaliya
 

Axad, February, 25, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa la kulmay dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki, iyagoo kawada hadlay madax-bannaanida Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

Hoggaamiyayaasha labada dal, ayaa intii ay ku guda jireen kulankooda rasmiga ah, waxay hoosta kaga xariiqeen baahida degdega ah ee loo qabo in la ixtiraamo madax bannaanida Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in ay tiir-dhexaad u tahay nabadda Geeska Afrika.

Kulanka ayaa lagu xusay in Masar iyo Eritrea ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, iyo amniga.

Si kastaba ha ahaatee, madax bannaanida Soomaaliya ayaa ahayd qodob muhiim ah, iyadoo labada Madaxweyne El-Sisi iyo Afwerki ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in laga taageero Soomaaliya si looga hortago wax kaste oo wax u dhimaya gobanimadeeda.

Masar iyo Ereteriya waxa ay  hoosta ka xarriiqayaan sida ay uga go’an tahay in ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika .

Xiisada Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii ay Somaliland bishii January ogolaatay inay 20 KM oo xeebta ah muddo 50 sannadood ah ka kirayso Addis Ababa, taas oo doonaysa inay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskaas, iyadoo ku tilmaamtay mid xad gudub ku ah jiritaanka Soomaaliya.

Dowladdu waxay sheegtay inay iska caabin doonto isku dayga Ethiopia ay ku doonayso inay ku qaadato qeyb kamid ah badda Soomaaliya.