4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2024
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo xilkii ka qaaday Afhayeenkii Booliiska Soomaaliyeed
 

Axad, February, 25, 2024 (HOL) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeeed Jenaraal Sulub Axmed Firin ayaa xilkii looga qaaday Afhayeenkii ciidanka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe.

Taliye Sulub ayaa u magacaabay Afhayeenka cusub ee Booliiska Soomaaliya Gaashaanle sare Qaasim Axmed Rooble oo horay usoo qabtay xilkaan.

Shirjaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen Afhayeenkii hore Sadiiq Doodishe iyo afhayeenka cusub Qaasim Axmed Rooble ayay ku shaaciyeen inay ku kala wareegeen xafiiska.

“Shaqadii afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaan hadda si rasmi ah ugu wareejiyey taliyaheyga Gaashaanle sare Qaasim Axmed Rooble, xafiiska Afhayeenka oo muddo aan ku soo shaqeynayey waxaan galabta ku wareejiyey Gaashaanle sare Qaasim Axmed Rooble” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Afhayeenka cusub ee Booliska Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Sadiiq Doodishe shaqadii uu soo qabtay mudada uu xafiiska joogay, isagoona balan qaaday inuu si wanagsan ugu adeegi doono qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Shaqo qurux badan oo meel dhexe mareysa ayuu igu wareejiyey afhayeenkii hore, waxaan leeyahay allaha kuu fududeeyo shaqada kale ee taliyaha booliska uu kuu igmaday. gacmo wadajir ayey wax ku gooyaan aan is kaalmeysano, si daacad ahna ugu shaqeyno dadka iyo dalkeena” ayuu yiri Afhayeenka cusub Qaasim Axmed Rooble, walow uusan shaacin waxa ay tahay shaqada kale ee loo dhiibay Afhayeenka uu xilka kala wareegay.

Magacaabista Afhayeenka cusub ee Booliiska Qaasim Axmed Rooble noqoneysa markii labaad ee loo magacaabo xilkaan Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isagoo sanadihii 2017 ilaa 2019-kii soo qabtay xilkaan.