4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2024
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo sheegtay in hawada Soomaaliya ay tahay mid ammaan ah oo sugan
 

Axad, February, 25, 2024 (HOL) - Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ugu xaqiijisay shacabka iyo shirkadaha diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, inay si buuxda gacanta ugu hayaan badqabka iyo amniga duulimaadyada.

Hay'addu waxa ay sheegtay in aysan jirin khatar amni iyo mid badbaado oo ka jirta hawada Soomaaliya, isla markaana ay raacayso xeerarka caalamiga ah ee duulista.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxay kaloo sheegtay inay si dhow ula shaqaynayso Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Hawada (ICAO), Ururka Gaadiidka Cirka ee Caalamiga ah (IATA), iyo bah-wadaagta kale ee heer gobol iyo heer caalamiba si loo xaqiijiyo habsami u socodka hawadda.

Hadalka hay’adda Duulista rayidka ah ee Soomaaliya, ayaa imaanaya, kaddib markii maalintii shalay maamulka Somaliland uu sheegay in ay isku dhici gaareen diyaarado laga leeyahay Qatar iyo Itoobiya, kadib markii ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay siisay amar qaldan diyaarada Qatar Airways.

Qoraal kasoo baxay Hay'ada duulista Somaliland, ayaa lagu sheegay in  abaaro 12:32 duhurnimo ee shalay ay isku dhici gaadheen labada diyaaradood kadib markii diyaarada Qatar Airways oo ku duulaysay 38000ft ay hagayaasha Muqdisho u sheegeen in ay korto 40,000feet.

Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay qaadayso tallaabooyin lagu xoojinayo bedqabka amniga hawada Soomaaliya, iyadoo sheegtay in maamulka Somaliland oo ay gadaal ka riixayaan gacmo shisheeye ay iskudayayso inay ka hortimaado sharuucda duulista hawada ee Soomaaliya.