4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2024
Somaliland oo sheegtay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay sababi gaadhay shil diyaaradeed
 

Sabti, February, 24, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in ay isku dhici gaadheen diyaarado laga leeyahay Qatar iyo Itoobiya, kadib markii ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay siisay amar qaldan diyaarada Qatar Airways.

Qoraal kasoo baxay Hay'ada duulista Somaliland, ayaa lagu sheegay in maanta abaaro 12:32 duhurnimo ay isku dhici gaadheen labada diyaaradood kadib markii diyaarada  Qatar Airways oo ku duulaysay 38000ft ay hagayaasha Muqdisho u sheegeen in ay korto 40,000feet.

Qoraalku waxa uu intaa ku daray in ay Qatar Airways ku dhici gaadhay diyaarada Itoobiya oo ku duulaysay joog dhan 39000ft, lakiin waxay Somaliland sheegtay in qalabka diyaaradaha ku xidhan ee digniinta siiyaa uu bad baadiyay.

"Laakiin nasiib wanaag qalabka diyaaradda ku xidhnaa ee loo yaqaan TCAS(Tiikas)( traffic avoidance collision system)  ayaa  digniin deg deg u siiyay una sheegay  jooga la siiyay inay ku jirto diyaaradda kale, qalabkaas ayaa ku amaray diyaarda  Qatar in aanay fuulin jooga loo sheegay" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Somaliland waxay sheegtay in duuliyayaashu ay sheegeen in qalab xumaaday laga siiyeen awaamiir khaldan isla markaana ay dacwad ka gudbin doonaan hagayaasha Muqdisho.

Khilaafka hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sababay in duullimaadyada qaarkood ay sheegaan in awaamiir qaldan la siiyay, iyada oo dhinac waliba uu dhinaca kale ku eedaynayo in uu awaamiirta qaldan bixiyay.