4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2024
Banaanbax lagu taageerayay heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga oo Muqdisho ka dhacay
 

Sabti, February, 24, 2024 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax aad u balaaran oo lagu taageerayo heshiiskii dhawaan ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee la xariiray iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha.

Dibad baxaan oo ay soo agaasintay dowladda Fedaraalka ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo dadweyne kale oo aad u badan oo ka kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta ka qeyb gashay banaanbaxa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ku xigeenadiisa, xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, Wasiirro iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiin banaanbaxa ka hadashay ayaa dhamaantood bogaadinayay heshiiska dhexmaray dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoona shacabka u sharaxay muhiimada uu leeyahay heshiiska ay dhawaan ansixiyeen golayaasha dowladda, islamarkaana uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dadweynaha ka qeyb galay banaanbaxa ayaa watay boorar lagu xardhay ereyo lagu taageerayo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana erayada ka mid ahaa ka naxoo nafta waay.

Heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa soconaya muddo 10 sano ah waxaana jira kara waqti kordhin ay samayn karaan labada dowladood marka la gaaro mudada heshiiska.