4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2024
Dowladda Fedaraalka oo soo bandhigtay tirada Caruurta la dayacay sanadkii 2023
 

Sabti, February, 24, 2024 (HOL) - Xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee qaranka Soomaaliya Yusra Cismaan Shariif oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay iney soo kordhayaan dambiyada iyo xadgudubka ka dhanka ah caruurta ee ka dhaca guud ahaan dalka.

Yusra Cismaan ayaa sheegtay iney si gaar ah ula socdaan dhibaatooyinka loo geysto ama lagula kaco caruurta, islamarlaana Xafiiska uu arrimahaasi wax badan ka qabtay.

Xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka Yusra Cismaan sidoo kale xustay iney diiwaan galiyeen sanadkii lasoo dhaafay ee 2023-ka kiisas gaaraya 53 carruur ah oo looga dhuuntay qaar kamid ah isbitaalada iyo wadooyinka Muqdisho.

“Sanadka 2023-kii waxaa jirtay in lasoo helay carruur 53 ah oo qaarkood isbitaallada looga tegay, qaarkood dad in loo dhiibay looga dhuuntay kuwa kalena waddooyinka laga soo helay. Caruurtaas 25 ka mid ah gabdho ayay ahaayeen, inta kalena wiilal ayay ahaayeen. Masuuliyadooda waxaa loo xil saaray dad uu xafiiska si sharci ah ugu wareejiyay, waxaana gacan ka gaystay hay’adaha Booliska" ayay tiri Yusra Cismaan Shariif.

Hadalkaan kasoo yeeray Xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee qaranka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah kusoo badanayeen dhacdooyinka naxdinta leh ee ka dhex dhacayay qaar ka mid ah qoysaska Soomaaliyeed.