4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2024
Save Children oo ka hadashay xadgudubyo galmo iyo kufsi Puntland loogu geystay gabdho da'yar
 

Sabti, February, 24, 2024 (HOL) - Hay’adda Save the Children ayaa ku baaqayday in la kordhiyo ka ilaalinta gabdhaha Soomaaliyeed ka dib markii gabar 13 jir ah oo kasoo jeeda qoysaska dadka soo barakacay ay koox hubeysan ku kufsadeen magaalada Garowe, todobaadkii hore.

Save the Children ee Puntland ayaa sidoo kale sheegtay inay heshay warbixinno isasoo taraya oo ku saabsan xadgudubyo galmo iyo kufsi loo geystay gabdho da'yar bilihii la soo dhaafay.

Hay’addu waxay kaloo sheegtay in dadkii kufsiyadaas loo geystay ay ka baqayaan inay warbixinno rasmi ah u gudbiyaan hay'adaha amniga iyo garsoorka, cabsi ay ka qabaan in loo geysto falal ku saabsan aargoosi iyo ceebayn.

“Puntland waxaan ka codsaneynaa in ay xoojiso ilaalinta sharciga ee carruurta oo ay ka mid tahay in la meel mariyo sharciga xadgudubyada Jinsiga, ilmo kasta meel kasta ha ku noolaado waxa uu mudan yahay in uu ku noolaado nolol ammaan ah, farxad iyo caafimaad leh, kana fog colaadda." Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay save children.

Dhinaca kale, hay’adda xuquuqul insaanka Puntland ayaa horey ugu baaqday in baaritaan buuxa oo hufan lagu sameeyo kufsiyada ka dhacay Puntland, waxayna ugu baaqday Puntland iyo dowladda Soomaaliya in ay si deg deg ah u qaadaan tallaabooyin looga hortagayo xadgudubyada dhanka galmada ah, lana ilaaliyo kuwa kufsiyada loo geystay, lana maxkamadeeyo dembiilayaasha si waafaqsan sharuucda dowladda  iyo kuwa caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.