4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2024
Xasan Sheikh: Haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo heshiiska badda, Soomaaliya way iska caabin doontaa
 

Sabti, February, 24, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalkiisu uu is difaaci doono haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo heshiiska ay ku doonayso in ay saldhig ciidan oo dhinaca badda ah ka samaysato Somaliland.

“Haddii Itoobiya ay ku adkeysato, Soomaaliya way iska caabin doontaa, wayna diidi doontaa. Haddii ay dalka soo galaan, Soomaaliya waxay sameyn doontaa wax walba oo ay isku difaaci karto." ayuu madaxweyne Xasan Sheikh u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Madaxweynuhu ma uusan sii faah-faahin tallaabada ay Soomaaliya qaadi karto.

Wuxuu sheegay in kaliya uu aqbali doono in uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed la hadlayo, marka ay xukuumadda Addis Ababa ka tanaasusho rabitaankeeda ku aaddan in qaadato qayb ka kamid ah badda Soomaaliya.

Ku dhawaad 3, o00 oo askari oo Itoobiyaan ah oo katirsan howlgalka ATMIS ayaa ku sugan Soomaaliya, madaxweynaha ayaa sheegay in uusan ka fikireynin in dowladdiisu ay erido askartaas.

Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa kowdii bishii Jannaayo heshiis is-afgarad ah la gaartay Somaliland, heshiiskaas oo sheegayay in laga kireeyo  20 km (12 miles) oo xeebta ah.