4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2024
30 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Sabti, February, 24, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo khasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Jilib marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanka Jilib marka ayaa ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Marka, waxaana qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka lagu sheegay in howlgalka oo wali socda lagu dilay 30 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

"Hawlgalkan oo soo bilawday waaberigii hore ee saakay ayey ciidammada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ku bartilmaameedsadeen goob ay isku urursanayeen Khawaarijta, kuwaas oo xogtooda la helay, iyadoo gacanta looga dhigay saanad ciidan oo dagaalka loo isticmaalo, sida ay warbaahinta qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha howgalkan qeybta ka ah" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ayaa Xalay howlgal qorsheysanaa ka sameeyay deegaanada lagu magacaabo Faarax Aaden iyo Jawle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Xoghayaha guud ee degmada Xarar dheere Maslax Macalin ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howgalka Xalay lagu dilay xubno ka tirsan Shabaab oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad, hayeeshee muusan sheegin tiradooda.

Ciidamada dowladda iyo saaxiibada Caalamka ee ka taageera duqeymaha dhanka cirka ah ayaa maalmahii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.