4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2024
Dowladda Soomaaliya oo Somaliland uga digtay carqaladeynta diyaaradaha isticmaala Hawada Soomaaliya
 

Jimco, February, 23, 2024 (HOL) - Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay carqaladeyn lagu sameeyo diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, gaar ahaan marka ay marayaan hawada gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Fardowso Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in marar badan la marin habaabiyey diyaarado isticmaalayay ama marayay hawada sare ee deegaanada gobolada Waqooyi ee Somaliland, islamarkaana taasi aysan aheyn mid loo dulqaadan karo.

"Digniino badan ayaan horay uga soo saarnay carqaladeynta maamulka Somaliland ay u geysanayaan diyaaradaha isticmaala hawada, gaar ahaan marka ay dulmarayaan deegaanada gobolada waqooyi, iyagoo raadiyaha kala hadlaya diyaarada si ay u marin hababiyaan, hadii ay sidaas kusii socdan Somaliland waxaan ka qaadi doono talaabo sharci ah" ayay tiri Wasiir Fardowso Cismaan.

Waxay sidoo kale sheegtay Wasiiradda ineysan sharci aheyn in Somaliland raadiyaha Hargeysa u yaala ay kula hadlaan diyaaradaha dul maraya ee aanan kusoo dageen garoonadeeda ama ka duuleyn.

"Garoon walba oo waxaa yaala Radiyow loogu talo galay in lagula hadlo diyaarada markaas ku dageys garoonka ama ka duuleysa, sharcina ma ahan in raadiyaashaas lagula hadlo, kaliya Radiyaha Muqdisho yaala ayaa iska leh amarka la hadlista diyaaradaha isticmaalaya hawada Soomaaliya, waxii kasoo hara shaqa kuma lahan oo diyaaradaha waxay kaliya ay qaatan amarka laga siiyo xarunta Muqdisho" ayay tiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowso Cismaab Cigaal.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiiradda ayaa imaanaya, iyadoo horay hay'adda Duulista Rayidka ay usoo saartay qoraalo ay uga digeyso Somaliland carqaladeynta dhanka hawada ay ku sameynayaan diyaaradaha isticmaalaya hawada Soomaaliya.