4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 23, 2024
Booliiska Jubbaland oo gacanta ku dhigay Shabakad ka shaqeyneysay tahriibinta dhalinyarada
 

Jimco, February, 23, 2024 (HOL) - Ciidamada Booliiska maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen dhalinyaro arday ah iyo rag muqalasiin ah oo doonayay iney tahriibiyaan.

Booliiska Jubbaland ayaa sheegay in dadkaan oo tiro ahaan gaaraya 13 ruux ay afar ka mid ah yihiin muqalasiinta tahriibineysay haatan ku jiraan gacanta Booliiska.

"Howlgal 48 saacadood qaatay ciidanka Booliiska Jubband waxay kuso qabteen dhalinyaro arday ah oo gaaraya 9 ruux oo afar ka mid ah yihiin dumar kuna kala xiran magaaloyinka Kismaayo iyo Qooqaani. Tahrijbinta ubaxa dalka usoo baxaya waxa ay inooga daran tahay dhibaatada Al-shabaab" ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliiska Jubbaland.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in kooxda tahriibinta waday ay tahay shabakad isku xiran islamarkaana ay hadda iyaga iyo gaadiidkii ay adegsanayeen ay gacanta ku hayaan dhawaana la hor keeni doono maxkamada.

Saraakiishaa Booliiska Jubbaland ayaa ugu baaqay Waalidiinta ku nool deegaanada Jubbaland iney ka war qabaan ubadkooda xilliyada wax barashada ay ku jiraan.