4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 23, 2024
Faahfaahin ku saabsan Xildhibaan hore oo meydkiisa laga helay qol uu ka dagana hotel ku yaala Muqdisho
 

Jimco, February, 23, 2024 (HOL) - Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay kiis la xariira meydka Xildhibaan hore uga tirsana Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Axmed Aadan oo deegaan ahaan kasoo jeeday gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Meydka Xildhibaan hore Axmed Aadan ayaa laga helay qol uu ka dagana hotel ku yaala degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, waxaana dhimashadiisa lagu xaqiijiyay isbitaalka Martiini.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in gacanta lagu hayo qof eedeyaane ah oo lala xiriirinayo geerida Xildhibaanka.

“Waxaana soo gaartay xogta in xildhibaan hore uu ku dhex suuxay hotel uu ka deganaa Xamarweyne, waxaa ku baxay ciidamada amniga oo u tegay isagoo suuxay, waxaa la geeyey isbitaalka Martiini, halkas ayuuna ku geeriyooday, waxaa la hayaa eedeysane ay baaritaano ku socdaan si loo ogaado waxa sababay geerida marxuumkaas” ayuu yiri Afhayeen Doodishe.

Afhayeenka Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in kiis noocaan oo kale ah oo ahaa nin meydkiisa laga helay guri uu dagana sarkaal ka tirsan hay'adda duulista rayidka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Dahable in loo soo xiray dad badan oo lagu tuhunsan yahay geeridiisa.

"Kiiska Cabdinasir Dahable waxaa loo soo qabtay eedeysanayaal gaaraya 9 ruux oo isugu jira kuwii la dagana guriga, kuwa ka agdhawa iyo qaar asxaabtiisa ah baaritaan ayaa ku socda oo meel wanaagsan maraya, waxaa rajo weyn ka qabna in kiiskaan baaristiisa lagu guuleysan doono waxaana macquul ah in eedeysanayaal kale oo hor leh in loo soo qabto kiiska" ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Sadiiq Doodishe.

Dadka ku dhaqan Muqdisho ayaa walaac xoogan ka muujinaya dilalka naxdinta leh ee kusoo kordhaya gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.