4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 23, 2024
Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay afduub iyo dil loo geystay wiil dhalinyaro ahaa
 

Jimco, February, 23, 2024 (HOL) - Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo la xariirta wiil dhalinyaro ah oo inta la afduubtay la dilay.

Afhayeen Doodishe ayaa sheegay in la garanayo ragii ka dambeeyay afduubka iyo dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ee lagu magacaabi jiray Abuukar Axmed Kaabax oo ka mid ka ahaa dhalinyarada caanka ka ah degmada Heliwa ee magaalada Muqdisho.

Wiilka dhalinyarada ayaa habeen hore rag hubeysan ay ku afduubteen gaarigiisa xili uu ku sugnaa degmada Heliwaa, islamarkaana shalay laga helay meydkiisa deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

“Waxaa la garanayaa raggii dilay Abuukar, baaritaano ay sameeyeen laamaha amniga ayaa lagu ogaaday, waxaana ku raad jooga hey’adaha amniga, markii soo qabashadooda lagu guuleystana waxaa la hor keeni doonaa cadaaladda” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe.

Falkaan afduubka iyo dilka ah ee loo geystay wiilka dhalinyarada ah ayaa ka mid noqonaya dhacdooyinka naxdinta leh ee mudooyinkii ka kusoo badanaayay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana dhacdadaani ay cabsi badan ku beertay shacabka reer Muqdisho.