4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga
 

Khamiis, February, 22, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskaan dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga ayaaa waxaa Shalay si wadajir ah u ansixiyay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

"Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Maxaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sharaxaad dheeraad ah ka bixisay muhiimadda uu leeyahay heshiiskaan mudadiisu ay tahay 10 sano ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga.

”Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga  wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato  Ciidan Badeed oo ku filnaada  difaaca baddeenna. Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed, waxaana heshiiskan uu qeyb ka qaadanayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Heshiiskaan cusub ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo ka dhalatay heshiiskii is afgarad ah ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland, kaasoo la xariiray in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya taas badalkeedana Somaliland ay u aqoonsaneyso dowlad madax banaan.