4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2024
Wiil dhalinyaro ah oo laga afduubtay degmada Heliwa oo maanta meydkiisa laga helay duuleedka Muqdisho
 

Khamiis, February, 22, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya wiil dhalinyaro ah oo Xalay kooxo hubeysan ay ka afduubteen degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, islamarkaana la dilay.

Kooxo hubeysan ayaa wiilkaan oo lagu magacaabi jiray Abuukar Axmed Kaabax ka afduubtay xaafad ka tirsan degmada Heliwa, kaasoo meydkiisa maanta laga helay xaafada Garasbaaleey ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyarada caanka ka ah degmada Heliwaa, waxaana la tilmaamay in raga afduubtay ay gaarayaan tiro ahaan afar ruux, kuwaas oo ku afduubtay marxuumka gaari uu lahaa oo noociisu yahay Saruf.

"Saqdii dhexe ee Xalay waxaan maqalnay rasaasta lagi dilay wiilka dhalinyarada ah abaare sadaxdii habeenimo, saakayna waxaa aragnay meydka wiilkaan oo geedo lagu dhex tuuray" ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka Garasbaaleey.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo gaaray goobta lagu dilay marxuumka ayaa halkaas meydkiisa kasoo qaaday kuwaas oo geeyay xarunta CID-da Muqdisho.

Ehalada wiilka dhalinyarada ah ee inta la afduubtay hadana la dilay ayaa sheegeen in wiilkooda aysan garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa afduubka iyo dilka loo geystay, islamarkaana uusan ku lug laheyn wax siyaasad ah.

Magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkii dambe ka dhacay dhacdooyin naxdin badan oo aan horay loo arki jirin, maalmo ka hor ay aheyd markii Muqdisho laga dhex helay meydkiisa guri uu dagana masuul ka tirsana dowladda Fedaraalka oo kasoo jeeday gobolada Waqooyi.