4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2024
Itoobiya oo walaac xooggan ka muujisay warbixintii ay Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka
 

Khamiis, February, 22, 2024 (HOL) - Ergeyga Joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay Tesfaye Yilma Sabo, ayaa walaac ka muujiyay warbixin dhawaan Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay uu gudbiyay golaha Ammaanka.

Warbixintaas oo ku saabsanayd xad gudubyada Itoobiya ee ka dhanka ah madax bannaanida Soomaaliya, iyo fara galinta militari ee Itoobiya ay ka waddo xuduudada labada dal.

Ergayga Itoobiya ayaa xaqiijiyay, Itoobiya ciidamadeeda dhulka inay wadaan dhaqaaqyo ciidan, si ay uga fogaadaan wax kasta oo khalkhal amni ah keeni kara oo ka dhalan kara xiisadda badda ee labada dal.

“MOU ma ahan mid aan horay loo arag, kana soo horjeeda hab-dhaqanka caalamiga ah, wuxuuna la mid yahay heshiis ay waddamo kale saxiixeen si loo helo isticmaalka badda. Sidaa darteed, heshiiska is-afgaradka waa in loo arkaa iskaashi guul ah oo Itoobiya ku sugi doonto marin-badeedka . Itoobiya wax dan ah uma laha inay cid gaar ah xumayso.” Ayuu yiri Tesfaye.

Tesfaye Yilma Sabo waxa uu sheegay horumarka hadda ka jira Soomaaliya in lagu kasbaday kumannaan qof oo Itoobiya ku weyday dagaalka ay kula jirto argagixisada caalamiga ah ee Soomaaliya oo uu sheegay inay yihiin kuwa ugu awoodda badan.

Ergayga Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in ay Soomaaliya wada-hadallo la yeelashaan lana dhigo gogol laba geesoodka ah.