4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2024
Meydka Marxuum Cabdiraxmaan Maclow oo mudo kadib Maanta la aasayo
 

Khamiis, February, 22, 2024 (HOL) - Mudo hal todobaad kadib waxaa maanta la aasaya Alle ha u naxariistee marxuum Cabdiraxmaan Maclow Abiikar oo ahaa Macalin Iskuul, kaasoo lagu dhex dilay todobaad ka hor Iskuulkii uu Macalinka ka ahaa.

Macalinkaan ayaa loo dilay sababo la xariira inuu canaantay gabar ka mid aheyd ardaydiisa, waxaana dilkiisa geystay oo ku eedeysan wiil la dhashay gabadha aradayada aheyd ee uu canaantay Macalinka, kaasoo dilka u adeegsaday Toorey.

Alle ha u naxariistee meydka Macalinka ayaa lagu wadaa in lagu aaso qabuuro ku yaala deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay shaaciyeen Midowga Dugsiyada gobolka Banaadir.

“Waxaa lagu wargelinayaa bahda waxbarashada ee ku sugan Gobolka Banaadir in ay ka soo qaybgalaan jinaasada iyo duugta Rabbi ha u  naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Macallow Abiikar. Jinaasada marxuumka ayaa lagula tukan doonaa Isbitaalka Madiina ee degmada Wadajir hadduu Alle idmo berri oo Khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 22/02/2024, saacaddu marka ay tahay 7:30 aroornimo” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Meydka marxuumka ayaa sababaha mudada ee loo aasi weysana ahaa in qoyskiisa ay doonayeen iney cadaalad u helaan dilka wiilkooda, lamana oga wali in qoyskaaan ay heleen cadaalad iyo in ay iska aasaanayaan meydka.

Ehelada marxuumka iyo bahda Waxbarashada ayaa magaalada Muqdisho ka dhigay banaanbax ay dowladda Federaalka uga dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo Ninkii dilay Marxuumka oo baxsaday.

Dilka loo geystay Macalinkaan ayaa qeyb ka ahaa dilal naxdin badan oo mudooyinkii dambe ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.