4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2024
Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca milateriga ah
 

Khamiis, February, 22, 2024 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashigooda dhanka ciidamada iyo sidoo kale sare u qaadida xiriirka laba geesoodka ah ee waxtarka u leh labada dal.

Heshiiska ayaa yimid kaddib kulan dhex maray taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyidiin iyo dhiggiisa Qatar, Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, kulankaas oo ka dhacay magaalada Dooxa, halkaas oo ay sidoo kale isla soo qaadeen waddooyin kale oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee difaaca. iyo amniga.”

Kulanka ayaa sidoo kale noqday madal la isku dhaafsado caqabadaha amniga gobolka iyo sahminta fursadaha wadajirka ah si wax looga qabto caqabadaha ay wadaagaan labada dal.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda istiraatiijiyadeed iyo kobcinta kalsoonida labada dhinac.

Qatar ayaa si firfircoon uga qeyb qaadatay bixinta tababarada ciidamada Soomaaliya, taasoo sii xoojineysa xiriirka labada dal.