4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 21, 2024
Koonfur Galbeed oo bilaawday abaabulka wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
 

Arbaco, February, 21, 2024 (HOL) - Masuuliyiin uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhaqdhaqaaqo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka bilaabay deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray deegaano dhaca xadka  ay wadaagaan Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku yaala gobolka Bakool.

Masuuliyiinta amniga ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa halkaasi ka wada qorshe ay sheegeen in lagu billaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo dhawaan ka billaaban doona deegaanada Koonfur Galbeed.

"Deegaanadaan dhaca xad ay wadaan Soomaaliya iyo itoobiya ee ku yaala Bakool, waxaan u imaanay dardar galinta wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ka bilaabanaya dhawaan Koonfur Galbeed, maadama roobabkii wadooyinka dhiiqada ka dhigay ay hakad galeen oo wadooyinkana ay furan yihiin" ayuu yiri Wasiir Xasan Cabduqaadir.

Wasiirka iyo masuuliyiinta la socota ayaa kulamo lagu dardar galinayo howlgalka wajiga labaad la qaatay qeybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan deegaanada Yeed, Aato, Washaaq iyo deegaano kale.

Abaabulka Wasiirka amniga uu haatan ka wado deegaanada ku yaala gobolka Bakool ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Al-shabaab mararka qaar haatan weeraro culus ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin gobolada Bakool iyo Baay.