4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 21, 2024
Maxkamadda gobolka Banaadir oo soo gabagabeysay Fadhiga koowaad ee dhageysiga dacwada eedeysane Sayid Cali
 

Arbaco, February, 21, 2024 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeysay fadhiga koowaad ee dhageysiga dacwada loo haysto eedeysane Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ku eedeyaan inuu gubay xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis.

Fadhiga koowaad ee Maxkamada ayaa maanta waxaa soo xaadiray labada dhinac ee dacwada quseeyso qareeno iyo dadweyne kale.

Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay qaar ka mid ah caruurta ay ka geeriyootay marxuumad Luul Cabdicasiis, kuwaas oo Maxkamadda ka hor sheegay waxyaabahii ay arkeen markii hooyadood ay gubaneysay.

Farxiyo Cabdirisaaq oo ka mid ah carruurta Luul oo ah 10 sano jir ayaa si dareen leh uga hadashay dilka hooyadeed Maxkamadda horteeda, waxayna sheegtay inay aragtay hooyadeed oo holceyso.

“Waxaan arkay hooyo oo banaanka ku holceyso waa naxay waxaan ku cararay qolkii oo sariirta ayaan isku kor kaduuday, kadib waxaa noo yimid ninkii gubay isaga oo dhac dhacayo, hooyo inta aysan dhimana waxay nagu tiri hadii aan dhinto i cafiya” ayey tiri Farxiyo oo ka mid ah carruurta marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa balamisay fadhiga kale oo xiga fadhigaan koowaad, waxaana dhinacyada la kala siiyay fursad ay kusoo dhameystiraan cadeymaha iyo marqaatiyaasha harsan.

Kiiskaan maanta bilaawday dhageysigiisa ayaa waxaa si weyn u daneynaya shacabka Soomaaliyeed oo ka carooday falkii lagu gubay Luul Cabdicasiis oo aheyd hooyo dhashay 6 caruur ah, islamarkaana caloosha ku sitay canugeedii todobaad, waxaana xusid mudan inaan wali la aasin marxuumada oo meydkeeda uu ku jiro Firinjeer, iyadoo qoyskeedana ay sheegeen in isku mar la aasi doono marxuumada iyo ninka dilay.