4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 21, 2024
Labada aqal ee baarlamaanka oo meel mariyay iskaashiga difaaca Soomaaliya iyo Turkiga
 

Arbaco, February, 21, 2024 (HOL) - Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

213 mudane oo labada aqal ah, ayaa waxay cod gacan taag ah ku meel mariyeen heshiiska, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu sheegay gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Wasiirka Difaaca Cabdiqaadir Maxamed Nuur  oo baarlamaanka uga mahad celiyay ansixinta heshiiskan, ayaa ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hooyatay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoona xusay inuu muhiim u yahay difaaca badda  Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo heshiiskan labada aqal uga warbixinayay, ayaa u sheegay in uu ka hortag u yahay xaalufinta kheyraadka badda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay dowladda Turkigu inay ilaalin doonto badda iyo kheyaadka Soomaaliya, oo ay kamid yihiin kalluumaysiga sharci darrada ah, sunta lagu shubo xeebaha dalka iyo ka hortagga falalka burcad badeedda.